Samadoon.
Waa urur Soomaaliyeed ah oo ku dhisan habka iskaa wax u qabso.
Ururkaas waxaa laga aasaasay isla markaasna uu saldhigiisu yahay caasimadda wadanka Norway ee Oslo.
Postboks 9053 Grønland
0133 OSLO
www.samadoon.com
Tel:00 47 97461960
                  98606957
samadoon@samadoon.com
Maqaallo Xiiso Leh.
Waxaan halkaan ku soo qaadan doonnaa maqaallo xiiso leh oo aanu is leenahay waa kuwo muhiim ah oo waxtarna u yeelan kara aqristayaasheenna.
Ku dayasho wacan.
Waa barnaamij aanu ugu magac darnay:
"Maxaad qabatay intaad qurbaha joogtay?"
Waxaanu kaga faaloon doonnaa dad kala duwan oo aanu is leenahay waxay tusaale wacan u noqon karaan dadkeenna.
Suugaan.
Waxaanu halkan ku soo qaadanaynaa qaar ka mid ah suugaanta abwaanadeena.
Abwaanadaas gabayadooda iyo riwaayadaha ay qoreen qaarkood ayaanu halkan ku soo qaadan doonnaa.
Ma degen tahay Oslo & agagaarkeeda.
Haddaad u baahato caawinaad dhinaca kombiyuutarka ah.
Haddaad u baahato caawinaad xagga tubooyinka ama qasabadaha.
Mase doonaysaa in lagaa caawiyo xagga korontada.
Xaflad aroos ama mid la mid ah ma dhiganaysaa, waxaa laguu hayaa maqaaxi cunto macaan oo qiimo jaban.
Nagala soo xiriir:
Tel: 97461960 kibirdiid@samadoon.com


BBC Soomaali
Idaacada 14:00
Qaar ka mid ah waxqabadka ururka Samadoon oo sawirro lagu muujiyey ayaad halkan ku arki doontaan:
SAMADOON.com

SOMALIA Taariikhda Soomaaliya. ............................ NORWAY Warbixin gaaban.

Klikk her for å lese siden på norsk

Maxaa cusub oo soo socda !

Maxaa la qabtay intuu ururku jiray !


URURKA SAMADOON

Waa urur Soomaaliyeed oo ka dhisan wadanka Norway caasimadiisa Oslo. Waxaa ururkaasi la aasaasay dhamaadkii sanadkii 2005-tii, waxaana dhisay dad ka kala socda dhammaan qaybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed. Ujeedada Samadoon waxaa ay tahay in dadka Soomaaliyeed isu tagaan iskana kaashadaan dhibaatooyinka ka hor yimaada. Samadoon waxaa uu xiriir wanaagsan la leeyahay ururo ka dhisan dalka Norway gudihiisa iyo ururo Soomaaliyeed oo ka dhisan kana hawl gala wadanka Soomaaliya gudihiisa. Ciddii doonaysa inay nago soo biirto, wax nagu kordhiso amaba u baahan inay warbixin dheeraad ah naga ogaato waxannu ku soo dhowaynaynaa gacmo furan.
Samadoon
Postboks 9053 Grønland
0133 OSLO
Tel:00 47 97461960/98606957
E-mail: samadoon@samadoon.com
Samadoon waxaa uu leeyahay dhaqdhaqaaqyo kala duwan oo muhiim u ah bulshadeenna. Qaybo ka mid ah dhaqdhaqaaqyada ururka iyo waxqabadkoodana waxaad ka aqrisan kartaan hoos:


Shaqada

Idaacadaha iyo warbaahiyeyaasha iyagoo mar walba haya in aanay Soomaalidu shaqaysanin aawadeed ayaa waxaa ay sababtay in dad badan oo shaqooyinka bixiya ay ka yabaalaan Soomaalida.
Waxaa markaa suuragal ah in dad badan oo shaqaysan lahaa aanay helin fursad ay ku shaqaystaab amaba lagu tijaabiyo.
Sidaa aawadeed ayaa waxaa uu ururkani ku jiraa olole ah sidii dadkeenna shaqo loogu raadin lahaa.


Radio Samadoon

Radio Samadoon Waxaa uu ka soo baxaa caasimadda wadanka Norway ee Oslo.
Waxaa uu idiin soo diyaariyaa barnaamijyo kala duwan oo aan is leenahay dadweynaha idin dhagaysanaya waa ay xiisaynayaan. Waxaanu hawada ku jirnaa oo aad na dhagaysan kartaan maalin walba oo sabti ah, saacaddu markay tahay 20:00 illaa 21:00.
Dadweynaha degen Oslo waxay naga dhagaysan karaan mawjadda (FM 99,3).
Isla markaasna si toosa ayaa waxaa naloogaga dhagaysan kartaan qadka internetka, idinkoo riixaya halkan. radio samadoon.
Waxaanu dadweynaha ina dhageysta la socodsiinaynaa in ay wixii warar amaba macluumaad kale ee ay doonayaan in ay inoo soo gudbiyaan ay nagala soo xiriiri karaan mailka & taleefanka hoos ku qoran.
Wixii tafaasiil ah, dhiiri galin, aaraah iyo dhaliilba fadlan nala soo socodsiiya.
E-mail: radio@samadoon.com
Tel: 00-47-97461960


Casharrada dugsiyada

Ururka Samadoon waxaa uu caruurta Soomaaliyeed ee dhigata iyo weliba kuwa deggen agagaarka dugsiga Bolteløkka ka caawiyaa casharrada dugsiga. Caruurtaas oo laga caawiyo casharrada iskoolada ayaa isla markaana loo dhigaa xisaab dheeraad ah. Waxaa kale oo ay bartaan caruurtaasi qorista iyo aqrinta farta soomaaliga iyo waliba diinta. Waxaa ay caruurtaasi yimaadaan galabaha Isniinta, Talaadada, Arbacada iyo Khamiista, saacadaha u dhexeeya 16:00 illaa 19:00.


Caruurta kubadda cagta

Samadoon waxaa uu siiyaa tababar kubadda cagta ah caruurta yaryar ee da'doodu u dhaxayso 3-10.
Caruurtaas oo isugu jirta soomaali iyo noorweejiyaanba ayaa ujeedada ka danbaysaa waxay tahay inay caruurtaasi yaryari wada cayaaraan isna bartaan.
Tababarkaasi oo si habsami ah u socda ayaa waxaad ka arkaysaa isfahanka iyo farxadda ay ku faraxsan yihiin caruurtaasi isla joogooda iyo wada cayaarkoodaba. Waxaa ay qaboobihii ku cayaari jireen skoola Herleb, halka ay waqtigan kulaylaha ku cayaaraan garoon ku yaala Adamstua maalmaha sabtiyada.


Dhalinyarada kubadda cagta

Halka ay dhalinyaradu ka wareegi lahaayeen magaalada waqtiyadooda firaaqada ah ayaa waxaa uu urukani u sameeyey dhalinta meel ay ku kulmaan kuna cayaaraan kubadda cagta.
Dhalintaradaas ayaa waxay kulmaan wadana cayaaraan usbuucii 2-3 jeer usbuucii, xilliyada qaboobaha iyo kulaylahaba.



Kooxda muusigga

Kooxda muusigga ayaanan ka maqnayn iyaguna ururka Samadoon. Kooxdaasi oo garaacda qaybaha kala duwan ee aaladaha casriga ah.
Kooxdaasi oo ka kooban:
Abwaanno, fanaaniin iyo muusiishanba ayaa waxaa ay ku mashquulsan yihiin howlo kala duwan oo muhiim ah.
Kooxdaas ayaa waxay isugu jiraan rag taariikh dheer ku leh fanka Soomaaliyeed iyo kuwo gadaal kaga soo biirayba.


Kooxda dhaqanka

Kooxda dhaqanka waxay mas'uul ka tahay ururinta dhaqanka iyo murtida Soomaaliyeed.
Waxaa kale oo ay iyagoo la kaashanaya kooxda fanka ay wadaan hawlgallo iyana ah dhinaca ciyaaraha hiddaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed.



Media

Samadoon waxaa uu xoogga saarayaa sidii loo dhisi lahaa warbaahin ballaaran oo ka haqab tirata dadka nala xiriira dhinacyada badan ee loo baahan yahay.
Innagoo tiigsanayna arrintaas ayaa waxaanu wadnaa barnaamijyo kala duwan oo aanu leenahay waa ay u baahan yihiin dadka sida Tv.






Barashada kombiyuutarka

Samadoon waxaa uu bixiyaa casharro ku saabsan kombiyuutarka.
Casharradaas oo ay ardadu si habsami ah uga faa'iidaystaan ayaa waxaanu hadba soo qaadannaa barnaamijyada aanu is leenahay waa muhiim, waana ay u baahan yihiin ardadaasu.



Filmqaadayaasha

Kooxda filmqaadayaasha oo iyana ah xubin ka mid ah ururka Samadoon ayaa waxaa ay hayaan hawlo muhiim ah.
Waqtigaan la joogo ayaa waxay kooxdu ku mashquulsan tahay samaynta barnaamijyo kala duwan oo uu ka mid yahay film Soomaaliyeed oo ka hadlaya qayb ka mid ah dhibaatooyinka qurbaha ka haysta dadkeenna.


Xafladaha

Samaadoon ayaa waxaa uu qabanqaabiyaa waqtiyada munaasabadaha ah xaflado uu ugu talo galo caruurta, dumarka iyo dhalinyaradaba.
Xafladahaas oo ah kuwo ay ka reeban yihiin waxayaabaha maanka dooriya ayaa waxay u dhacaan si habsami ah.





Barashada muusigga

Samadoon ayaa waxaa uu bixin jiray casharro ku saabsan muusigga oo uu siin jiray dhalinyarada Soomaaliyeed ee xiisaynaysa barashada garaacista muusigga.
Halkaas oo ay iman jireen dhalinrayarada xiisaysa muusigga ayaa duruufo aawadeed uu hakad galay mashruucaasi.


webmaster@samadoon.com
copyright©samadoon.com2007